Miyuu Zlatan Ibrahimovic Taam U Noqon Doonaa Kulanka Man United? Warar Cusub Ayaa Laga Helay Xaalkiisa

Miyuu Zlatan Ibrahimovic Taam U Noqon Doonaa Kulanka Man United? Warar Cusub Ayaa Laga Helay Xaalkiisa


Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa war fiican ka helay xaaladiisa dhaawac ka hor kulanka Lugta 2-aad ee wareega 16-ka Europa League.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Zlatan Ibrahimovic taam u noqon doono kulanka ay Kooxdiisa Ac Milan ka hor tagi doonto kooxdiisii hore ee Man United.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga khabiirka ah kaydka ku bilaaban dono kulanka isaga oo la filayo in uu badal ku soo galo.

Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaawac ku seegay kulankii lugta hore ee ay kooxda Ac Milan bar-baraha la gashay Man United ee ka dhacay garoonka Old Trafford.

Laakiin xiddiga ayaa si fiican uga soo kabsaday dhaawacii soo gaadhay kulaniii Roma ee horyaalka Serie A-da wwaxana uu haatan taam u yahay in uu ciyaaro kooxdiisa.

Zlatan Ibrahimovic ayaa khamiista tartanka Europa League ka reebi kara kooxdiisii hore ee Man United maadama ay Ac Milan haatan faa’iido haysto kadib markii ay soo dhalisay goolka martida.


Source: laacibfm.com

SHARE