PSG Oo Afka Furatay Kana Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Suuqa Dhigtay Cristiano Ronaldo

PSG Oo Afka Furatay Kana Jawaabtay Wararka Sheegaya In Ay Suuqa Dhigtay Cristiano Ronaldo


Agaasimaha maamulka kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa xaqiijiyay in shaki uusan ku jirin mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Marwada duqda ah.

Kadib markii kooxda Juventus laga reebay champions League waxa soo baxay warar sheegaya in uu Cristiano Ronaldo isaga tagayo kooxda Juventus si uu ugu laabto kooxda Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa hoos u dhigay wararkaas Aaasimaha kooxda ee Paratici ayaa sii adkeeyay Hadalka Ronaldo isaga oo sheegay in uuna xiddigu meelna uga socon kooxda.

Markii ay weydiisay Sky Italia haddii Juventus ay rajeyneyso inay sii haysato Ronaldo xilli ciyaareedka dambe ayuu ku jawaabay”Shaki La’aan”.

“Waan ku qoslay wararka xanta ah marna ma soo hadal qaadin iibinta Ronaldo, waxa aan ka hadlaynaa xiddiga ugu goolasha badan Serie A-da”.

“Waxa uu haatanba nagula guulaystay koobab waxana sharaf noo ah in uu kooxdeena joogo waanan sii haysan doonaa inta ugu suurtagashan waanan ku faraxsanahay in uu nala joogo”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE