RASMI: Luiz Enrique Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Xulka Qaranka Spain Ee Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka

RASMI: Luiz Enrique Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Xulka Qaranka Spain Ee Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka


Tababaraha Xulka qaranka Spain ee Luiz Enrique ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono xulka Spain kulamada is reeb-reebka Koobka adduunka Qatar 2022.

Xulka qaranka Spain ayaa ciyaari doona 3 kulan dhamaadka bishan kulamadaas oo ka mid ah is reeb-reebka xulalka yurub ee koobka adduunka sanadka dambe.

Spain ayaa la ciyaari doona xulalka Greece (25 March) Georgia (28 March) iyo Kosovo (31 March) kuwaas oo ah kulamada ugu horeeya ee is reeb-reebka xulka Spain.

Tababaraha ayaa markii ugu horaysay xulka qaranka ku soo daray da’yarka kooxda Barcelona ee Bedri kaas oo aan horay ugu ciyaarin xulka qaranka Spain.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaa Uu Tababaruhu u soo xushay kulamada caalamiga ah:


Goolhayayaasha

: De Gea, Robert Sánchez, Unai Simón


Khadka Dhexe

: Pedro Porro, Eric García, Sergio Ramos, Diego Llorente, Iñigo Martínez, Jordi Alba, Gayá


Daafaca

: Busquets, Rodri, Thiago, Pedri, Marcos Llorente, Canales, Koke, Fabián


Weerarka

: Gerard Moreno, Ferran Torres, Oyarzabal, Morata, Bryan Gil, Dani Olmo.


Source: laacibfm.com

SHARE