RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Atalanta.

RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Atalanta.


Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor iman doono kooxda Atalanta kulanka champions League ee lugta 2-aad ee wareega 16-ka.

Xiddigaha Marcelo & Sergio Ramos ayaa ku jira Liiska 19-ka xiddig ee uu tababare Zidane u soo xushay kulanka laakiin waxa dhaawac uga maqan xiddiga Eden Hazard.

Labada daafac ee Marcelo & Sergio Ramos ayaa seegay kulankii lugta hore ee Atalanta sido kale Karim Benzema ayaa ka maqnaa kulankii Lugta hore ee champions league.

Laakiin 3-da xiddig ayaa haatan dhamaantood taam buuxa u ah kulanka waliba la filayo in ay ku bilowdaan shaxda Los Blancos ee kulanka habeen dambe.

Waxa Liiska ka maqan sidoo kale xiddiga Casemiro kaas oo ku seegi doona kulanka ganaax kadib markii uu kaadh digniin ah qaatay kulankii Lugta hore ee champions league.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Uu Zidane u soo xushay Kulanka:


Source: laacibfm.com

SHARE