War Xun Oo Real Madrid Uga Soo Baxay Xaalada Eden Hazard Ka Hor Kulanka Atalanta.

War Xun Oo Real Madrid Uga Soo Baxay Xaalada Eden Hazard Ka Hor Kulanka Atalanta.


Xiddiga Eden Hazard ayaa ahaa xiddiga ugu weyn ee ka maqan Tababarka Real Madrid ee Maanta ka hor kulanka Atalanta ee champions league ee wareega 16-ka.

15-kii daqiiqo ee tababarkii u furnaa saxaafada Xiddiga reer Belguim ayaan ka qayb qaadan tababarka sidaas darteed waxa ay u badantahay in uu seegi doono kulanka Atalanta.

Arintan ayaa war xun u ah Real Madrid iyo Eden Hazard kaas oo kaliya 15 daqiiqo ciyaaray kulankii Elche ee Sabtidii.

Hazard ayaan ku jirin qorshaha Zidane ee ku bilaabista kulanka Atalanta laakiin waxa uu noqon lahaa xiddig kaydka wax kaga soo kordhiya kooxda hadii ay u baahto.

Si kasta ha ahaatee waxa ay u muuqataa in uu seegi doono kulanka sabab la xidhiidha dhaawac cusub oo soo gaadhay xiddiga.

Real Madrid ayaan ilaa haatan wax warbixin ah ka soo saarin xaalada xiddiga laakiin arinta ayaa wal-wal ku ah Los Blancos marka loo eego in uu 21 kulan ku seegay sabab la xidhiidha dhaawac.


Source: laacibfm.com

SHARE