Chelsea Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Xiddig Muhiim U Ah Qorshaha Thomas Tuchel Ka Hor Bilaabasahda Euro-da

Chelsea Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Xiddig Muhiim U Ah Qorshaha Thomas Tuchel Ka Hor Bilaabasahda Euro-da


Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furi doonaan xiddiga Antonio Rudiger ka inta ka horaysa tartanka Euro-da sanadkan.

Xiddigii hore ee kooxda Roma ayaa xidhiidh fiican la leh tababare Thomas Tuchel kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda intii uu Frank Lampard joogay.

Xiddiga 28 jirka ah aya cyaaray 90 daqiiqo 9 ka mid ah 10-kii kulan ee uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda horyaalka premier League tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Heshiiska Antonio Rudiger ee kooxda chelsea ayaa dici doona dhamaadka sanadka 2022 laakiin wargayska Daily Mai ayaa sheegaya in ay chelsea doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga ka hor inta ayna bilaaban tartanka Euro 2021 xagaaga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay kooxdu wadahadalo la furi doonto isla dhamaadka xilli ciyaareedka si uu qalinka ugu duugo heshiiska cusub ka hor bilaabashada tartanka Euro 2021.

Tababare Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu xiddiga Antonio Rudiger ku sii hayo kooxda maadama uu muhiim u yahay qorshihiisa dib u dhisida kooxda chelsea


Source: laacibfm.com

SHARE