Donny van de Beek Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.

Donny van de Beek Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United.


Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ka tago kooxda Man United ka dib markii uu si dhib badan ku bilowday noloshiisa Premier League.

Xiddigii hore ee kooxda Ajax ayaa ku dhibaatoonaya in uu kulamo u ciyaaro Man United xili ciyaareedkan isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda.

Van de Beek ayaa Man United yimid isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Ajax laakiin waxa uu ilaa haatan ku dhibaatoonayaa in uu kulamo u ciyaaro kooxda.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in Van de Beek doonayo in uu isaga tago kooxda Man United xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu biiro koox uu u ciyaaro.

Xiddiga ayaa doonaya in uu wadahadalo la qaato agaasime ku xigeenka kooxda Man United ee Ed Woodward si uu uga codsado in uu isaga tago kooxda Man United.


Source: laacibfm.com

SHARE