Horyaalka La Liga Oo Dib U Furmay & Barcelona Oo Qarka U Saaran In Ay Soo Qabato Atletico Madrid.

Horyaalka La Liga Oo Dib U Furmay & Barcelona Oo Qarka U Saaran In Ay Soo Qabato Atletico Madrid.


Waxa la ciyaaray todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League iyada oo lagu soo xidhay guushii 4/1 ahayd ee ay Barcelona ka gaadhay kooxda Huesca.

Guushaas ayaa Barcelona ka caawisay in ay soo yarayso dhibcaha ay ka dambaysay hogaamiyayasha horyaalka ee Atletico Madrid iyo waliba in ay Atletico Madrid kala baxdo kaalinta 2-aad.

Barcelona ayaa haatan kaliya 4 dhibcod ka dambaysa kooxda Atletico Madrid ee hogaaminaysa horyaalka La Liga tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Atletico madrid ayaa dhankeeda lumisay laba dhibcood iyaga oo bar-baro la galay kooxda Getafe taas oo soo noolaysay rajahada kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Dhanka kooxda Sevilla u muuqata mid xaqiiqsatay kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya kooxda Real Sociedad ee kaalinta 5-aad ku jirta.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Kala saraynta La Liga kadib todobaadkii 27-aad.


Source: laacibfm.com

SHARE