Jamie Carragher Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League Kadib Guushii Wolves.

Jamie Carragher Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League Kadib Guushii Wolves.


Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa qirtay in uuna rumaysnayn in ay Liverpool ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League inkasta oo ay guul ka gaadhay Wolves Isniintii.

Guul 1/0 ay ayaa Liveprool ka caawisay in ay ku soo laabato wadada guulaha iyada oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Diogo Jota.

Kadib guushaas Liverpool ayaa haatan 5 dhibcood u jirta kooxda chelsea ee kaalinta 4-aad ku jirta xilli 9 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Kooxda kaalinta 3-aad ku jirta ee Leicester City ayaa 10 dhibcood ka horaysa kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaana rumaysan in ayna kooxda Klopp ku dhamaysan doonin 4-ta boos ee ugu saraysa.

“Run ahaantii waxa ay ahaayeen koox xun, waxa laga badiyay kulamo badan”ayuu Jamie Carragher u sheegay Sky Sport.

“Laakiin waxa aan aaminsanahay in uu jiri doono dagaal adag oo loo galo boosaska ugu sareeya horyaalka”.

“Haatan uma malaynayo in ay Liverpool ku dhamayan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya, waxan u malaynayaa in ay seegi doonaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE