Jurgen Klopp Oo Qorshaynaya In Uu Iska Iibiyo Midkood Kooxaha Salah, Mane Ama Firmino & Erling Haaland Oo Sabab U Ah.

Jurgen Klopp Oo Qorshaynaya In Uu Iska Iibiyo Midkood Kooxaha Salah, Mane Ama Firmino & Erling Haaland Oo Sabab U Ah.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu isku diyaarinayo in uu midkood iska iibiyo xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane ama Roberto Firmino si uu lacagtaas ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Erling Haaland.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa wacdaro dhigaya isaga oo dhaliyay 31 gool 30 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Norway ayaa lagu heli karaa lacag dhan 150 milyan oo euro waxana lala xidhiidhinayaa koox badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Tababare Klopp midkood iska iibin doono xiddigaha Mohamed Salah, Roberto Firmino ama Sadio Mane si uu ugu dhaqaaqo Haaland Xagaaga.

Saddexda xiddig ee Mohamed Salah, Roberto Firmino & Sadio Mane ayuu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhacay xilli ciyaareedkan Klopp ayaana doonaya xiddig cusub oo weerarka ah.


Source: laacibfm.com

SHARE