Liverpool Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Paul Dybala

Liverpool Oo Dajisay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Paul Dybala


Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala Sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga 27 jirka ah ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Juventus isaga oo aan wali qalinka ku duugin heshiis cusub.

Heshiiska Dybala ee kooxda Juventus ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana ay kooxdu ku dhibaatoonaysaa in ay heshiis la gaadho.

Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda suuqii January laakiin waxa uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedkan.

Wargayska El Gol Digita ayaa sheeaya in ay kooxda Liverpool qorshaynayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Argentine hadii uuna heshiis cusub u saxiixiin kooxdiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpol diyaar la tahay dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro taas oo ah lacag ay Liverpool bixin karto dhamaadka xilli ciyaareedkan

Klopp ayaa Dybala u arka xiddig xoojin kara weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe marka loo eego in ay qaab ciyaareedka ku dhibaatoodeen xiddigihiisu xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE