Real Madrid Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Dhaawaca Soo Gaadhay Rodrygo

Real Madrid Oo Ka Hadashay Xaqiiqada Dhaawaca Soo Gaadhay Rodrygo


Kooxda Real Madrid ayaa beenisay wararka sheegaya dhaawaca soo gaadhay xiddiga Rodrygo saacado ka hor kulanka Atalanta ee champions League.

Bogga Real Madrid ayaa lagu soo qoray dhaawaca soo gaadhay xiddiga Rodrygo kaas oo ka dhaawacmay muruqa saacado ka hor kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Atalanta.

Laakiin Kooxda ayaa isla markiiba warka ka saartay iyaga oo sheegay in uu xiddiga Rodrygo caafimaad buuxa qabo waliba taam u yahay kulanka caawa ee champions League.

Kooxda ayaa sidoo kale xaqiijisay in la jabsaday Boggeda Twitter-ka iyo waliba Website-keeda ay ku leedahay bogga Internet-ka sidaas darteed lagu soo qoray warka sheegaya in uu xiddiga Rodrygo  dhaawacmay.

Laakii kooxda ayaa haatan dib u soo ceshatay boggaga laga jabsaday kana masaxday Wararka sheegaya dhaawaca Rodrygo soo gaadhay ka hor kulanka.


Source: laacibfm.com

SHARE