Shaxda Ugu Fiican Horyaalka Premier League Todobaadka Oo la Soo Saaray.

Shaxda Ugu Fiican Horyaalka Premier League Todobaadka Oo la Soo Saaray.


Kooxda Man City ayaa sii wada ku dhawaanta horyaalka premier League kadib guul 3/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Fulham halka ay man United sii xoojisay rajadooda ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya kadib guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadeen West Ham.

Leicester City ayaa dhankeeda hal dhibic ka dambaysa Man United iyaga oo ku jira kaalinta 3-aad kadib markii ay xasuuqeen kooxda Sheffield United.

Kooxda Chelsea ayaa dhankeeda lumisay laba dhibcood kadib bar-baro 0/0 ah oo ay la gashay kooxda Leeds United halka ay Everton guuldaro lama filaan ah kala kulantay Burnley.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Tottenham iyaga oo kaga badiyay 2/1 kulan xiiso lahaa.

Kooxda Brighton ayaa garaacday Southampton halka ay Crystal palace dhabarka u saartay guuldaro kooxda West Brom xilli ay Newcastle iyo Aston Villa bar-baro ku kala bexeen.

Isniintii xalay ahad kooxda Liverpool ayaa kaalinta 6-aad gashay kadib markii ay 1/0 uga badiyeen kooxda Wolves kulan ay ku soo laabteen wadada guulaha.

Shabakada BBC Sport ayaa so saartay shaxda ugu fiican todobaadkan premier League kadib markii la soo afjaray todobaadka.

Kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa min 2 xiddig ku leh shaxda halka ay kooxaha Crsytal palace, Brighton, Arsenal, Crtstal Palace, Burnley, Leicester City iyo Liverpool min hal xiddig ku leeyihiin shaxda.


Source: laacibfm.com

SHARE