Tartanka Gool Dhalinta Premier Leageu Oo Meel Xiiso leh Maraya

Tartanka Gool Dhalinta Premier Leageu Oo Meel Xiiso leh Maraya


horyaalka premier League ayaa ku sii dhawaanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo haatan ka dhiman yihiin kaliya 9 kulan dhamaadka xilli ciyaareedka 2020/2021.

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohmed Salah ayaa haatan ugu cad-cad ku guulaysiga kabta dahabka ah ee gool dhaliinta inkasta oo uuna wax gool ah dhalin kulamadii ugu dambeeya ee ay kooxdiisu ciyaartay.

Hadana Salah ayaa hogaaminaya tartanka gool dhalinta inkasta oo uu kaliya hal gool ka horeeyo xiddigaha Bruno Fernandes iyo Harry Kane kuwaas oo goolal dhaliyay intii uu Mohamed Salah ka soomanaa goolasha.

Xiddiga kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin ayaa dhankiisa ku daba naban isaga oo dhaliyay 14 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League.

Xiddigaha Patrick Bamford & Son Heung-Min ayaa ku xiga iyaga oo dhaliyay min 13 gool oo premier League ah ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Xiddigaha Ilkay Gündogan Iyo Jamie Vardy ayaa dhankooda ku sii xiga iyaga oo wada leh min 12 gool oo Horyaalka premier League ah ilaa haatan.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida loo kala sareeyo Gool dhalinta Premier League:

N. Xiddiga Kooxda Da’da Xulka Goolasha
1.
Mohamed Salah
Liverpool 28 Egypt
17
2.
Bruno Fernandes
Manchester United 26 Portugal
16

Harry Kane
Tottenham 27 England
16
4.
Dominic Calvert-Lewin
Everton 24 England
14
5.
Patrick Bamford
Leeds 27 England
13
6.
Son Heung-Min
Tottenham 28 South Korea
13
7.
Ilkay Gündogan
Manchester City 30 Germany
12
8.
Jamie Vardy
Leicester 34 England
12
9.
Alexandre Lacazette
Arsenal 29 France
10
10.
Callum Wilson
Newcastle 29 England
10
11.
Ollie Watkins
Aston Villa 25 England
10


Source: laacibfm.com

SHARE