Thomas Tuchel Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Timo Werner Isaga Tagayo Kooxda.

Thomas Tuchel Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Timo Werner Isaga Tagayo Kooxda.


Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu xiddiga Timo Werner isaga tagi doono kooxda chelsea suuqa xagaaga.

Werner ayaa kaliya dhaliyay 2 gool 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray chelsea xilli uu ku dhibaatoonayo qaab ciyaareedka tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Laakiin tababaraha kooxda ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in uuna xiddiga reer Germany meelna uga socon kooxda chelsea xagaaga.

Markii la waydiiyay in ay wax ka jiraan wararka sheegaya in uuna Werner ku faraxsanayn Chelsea ayuu Thomas Tuchel ku jawaabay”Jooji Akhrinta wararka xanta ah, boogaag Akhriso”.

“Waxan u malaynayaa in uu si fiican u ciyaaray kulankii Liverpool, waxan u malaynayaa in uu sidii ugu fiicnayd u ciyaaray tan ilaa markii aan imid”.

“Wax goolal ah ma dhalin laakiin arintaas waa iska caadi waan caain doonaa, waxa aan u sheegay in uu diirada saaro horumarkiisa meelna ugama socdo Chelsea”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Source: laacibfm.com

SHARE