Waa Sidee Kala Saraynta Premier League Kadib Todobaadkii 29-aad?

Waa Sidee Kala Saraynta Premier League Kadib Todobaadkii 29-aad?


Waxa la soo afjaray todobaadkii 29-aad ee horyaalka premier Leaue iyada oo ay dheceen kulamo xiiso leh Jimcihii, sabtidii, Axadii iyo Isniintii shalay ahayd.

Kooxda Man City ayaa talaabo kale u qaaday ku guulaysiga horyaalka halka kooxaha Man United iyo Leicester City dhankooda sii xejisteen booskooda 2-aad iyo 3-aad.

Kooxda chelsea ayaa dhankeeda bar-baro kala kulantay halka ay ay Arsenal garaacday Tottenham kulan North London Derby ahaa.

Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Wolves kulan la ciyaaray 108 daqiiqo.

Dhanka kale kooxda West Ham ayaa guuldaro kala kulantay Man United halka ay Everton si lama filaan ah guuldaro ugala kulantay kooxda Burnley.

Kala saraynta horyaalka ayaa maraysa meel xiiso leh xilli ay 9 kulan ka dhiman yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka xilli tartanka loogu jiro 4-ta boos uu marayo meel adag.

Kooxahaa Chelsea, West Ham, Liverpool, Everton iyo Tottenham ayaa dhamaantood kala dambeeya kaliya 6 dhibcood kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka.


Source: laacibfm.com

SHARE