WARBIXIN: Werner, Thiago, van de Beek & Xiddigaha Ku Fashilmay Premier League Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedka.

WARBIXIN: Werner, Thiago, van de Beek & Xiddigaha Ku Fashilmay Premier League Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedka.


Inkasta oo uu xanuunka Korona hoos u dhigay dhaqaalaha hadana Kooxaha Premier League ayaa suuqa galiyay lacag waali ah suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Kooxaha ayaa la soo saxiixday xiddigo ay ku xoojiyeen kooxdooda waliba xiddigahaas waxa laga filayay waxyaabo badan.

Chelsea ayaa suuqa galisay lacag ka badan 200 oo milyan iyada oo uu Frank Lampard doonayay in uu kooxda ku hogaamiyo ku guulaysiga horyaalka premier League.

Liverpool ayaa dhankeeda lacag fiican galisay suuqa iyaga oo la soo saxiixday xiddi ku guulaystay champions league halka ay Man United xiddig 40 milyan ku keentay.

Donny van de Beek Ayaaa la sheegayaa in uu warqada bixitaanka u gudbinayo kooxda Man United si uu uga tago kooxda xagaaga.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha ku fashilmay Premier League xilli ciyaareedkan kadib makrii ay yimaadeen xagaagii.


1.Timo Werner (Chelsea)

Werner ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican weerarka markii uu ku soo biiray Chelsea waxana uu kooxdiisa geeyay meel fiican oo tartanka champions league ah.

Laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii uu ku soo bandhigay RB Leipzig isaa oo dhaliyay 5 gool oo premier League ah xilli ciyaareedkan.


2.Gareth Bale (Tottenham)

Xiddiga reer Wales ayaa qaab amaah ah ugu laabtay kooxda Tottenham kadib markii uu si weyn ugu dhibaatooday kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii hore.

Waxa la filayay in uu Zidane iyo kooxdiisa u muujiyo khaladka ay galeen waliba soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah laakiin xiddiga reer Wales ayaa xitaa ku bilaaban waayay bilowgii xilli ciyaareedka.

Inkasta oo uu xiddigu kulamadii ugu dambeeyay dhaliyay goolal hadana waxa uu mar kale ku fashilmay kulankii North London Derby isaga oo wakhti hore la fasaxay.


3.Thiago Alcantara (Liverpool)

Thiago ayaa yimid Liverpool isaga oo ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkii hore waxana uu waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Markii uu u soo dhaqaaqay Liverpool waxa la filayay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa ku fashilmay.

Thiago ayaan wali wax gool ah dhalin ama aa wax caawin ah samayn ilaa haatan xilli ciyaareedkan tartanka premier League.


4.Donny van de Beek (Man United)

Xiddiga khadka dhexe ee reer Holland ayaa yimid Man United isaga oo Ajax ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba kooxdiisa koobab ku hogaamiyay.

Imaatinka Donny van de Beek ee Man United ayaa su’aal laga keenay bilowgiiba waxana cadaatay su’aashii la iska waydiinayay maadama uu xiddigu ciyaaray 15 kulan oo kaliya waliba kala badh kaydka ka soo kacay.


5.Hakim Ziyech (Chelsea)

Chelsea ayaa Hakim Ziyech ka keentay Ajax kadib markii uu dhankiisa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba dhaliyay goolal badan sidoo kale kooxdiisa ku hogaamiyay koobab.

Xiddiga reer Morocco ayaa sidoo kale si fiican ku bilowday xirfadiisa chelsea laakiin dhaawac soo gaadhay ayaa joojiyay horumarkiisa ciyaareed.

Xiddiga ayaa kaliya 15 kulan u saftay chelsea premier League waxana uu ku dhibaatooday in uu dhaliyo goolal ama sameeyo wax caawin ah.


6.Kai Havertz (Chelsea)

u dhaqaaqistii chelsea ee Kai Havertz ayaa laga keenay su’aal maadama uuna Lampard wax aqoon ah u lahayn booska uu xiddigu ka ciyaaro.

Sidoo kale xiddiga oo lagu keenay 100 milyan oo euro ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo isaga oo ilaa haatan ku dhibaatoonaya kooxda.


7.Willian (Arsenal):

Arsenal ayaa xiddiga reer Brazil si xor ah kula soo wareegtay waxana uu ilaa haatan noqday mid soo bandhigay qaab ciyaareed niyad jab leh ilaa haatan.

Willian ayaa sameeyay 3 caawin kulankiisii ugu horeeyay laakiin wixii ka dambeeyay ku dhibaatooday kooxda Arsenal taas oo keentay in uu kaydka galo.

Xiddiga ayaa haatan kaydka u fadhiya Arsenal isaga oo ay necebyihiin taageerayaasha Kooxda Arsenal oo aan doonin in ay shaxda kooxdooda ku arkaan/


Source: laacibfm.com

SHARE