Chelsea Mise Atletico Madrid? Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Badan Doonta Kulanka Caawa.

Chelsea Mise Atletico Madrid? Rio Ferdinand Oo Saadaaliyay Kooxda Badan Doonta Kulanka Caawa.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa chelsea uga digay in ayna Atletico Madrid ahayn koox la dhalaysan karo laakiin waxa uu Blues u saadaaliyay in ay iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka kulanka caawa.

Chelsea ayaan guuldaro la kulmin tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda waxana ay kulanka caawa galayaan iyaga oo 1/0 ku soo badiyay kulankii lugta hore.

Rikoodhkooda daafaca ayaa ah mid cajiib ah iyada oo aan kooxda Tuchel laga dhalin wax gool ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Rio Ferdinand ayaana aaminsan in dhisida uu hoosta ka soo dhisay kooxda in ay ka caawin doonto in ay caawa iska xaadiriso 8 dhamaadka champions League.

“Atletico Madrid ma dhayalsan kartida gabi ahaan”ayuu Rio Ferdinand u sheegay BT Sport.

“Laakiin tan ilaa markii uu Tuchel yimid kooxda waxa ay dhiseen daafac adag, waxana aan u malaynayaa in ay fursad fiican haystaan”.

“Waxan u malaynayaa in ay chelsea gudbi doonto kulanka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE