Fabio Capello Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan

Fabio Capello Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan


Tababaraha Khabiirka ah ee Fabio Capello ayaa magacaabay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

6 Kooxood ayaa ilaa haatan iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka iyada oo laba kooxood oo kale la sugayo in ay caawa dhamaystiraan wareega 8 dhamaadka taranka champions League.

Kooxahaa Real Madrid, Liverpool, PSG, Man City Borussia Dortmund iyo Fc Porto ayaa ilaa haaan iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kooxaha Bayern Munich Vs Lazio iyo Atletico Madrid Vs Chelsea ayaa laga sugayaa laba kooxood kuwaas oo caawa ciyaari doona kulankii lugta 2-aad ee wareega 16-ka.

Fabio Capello oo waraysi siiyay shabakada Sky Sport ayaa yidhi”Kooxda Man City ayaa ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka sababta oo ah waa koo dhamaystiran oo tayo leh”.

“Pep Guardiola waxa uu muujiyay in uu awood u leeyahay in uu badalo qaab ciyaareedka kooxdiisa sidaas darteed Man City ayaa ah kooxda ugu cad-cad”.

“Laakiin ayayna iloobin Real Madrid sababta oo ah waxa ay sameeyeen horumar dhanka qaab ciyaareedka ah sidaas darteed waxa ay ku jiraan qaab fiican”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE