Kooxaha Ay Real Madrid Ku Aadi Karto Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Kooxaha Ay Real Madrid Ku Aadi Karto Wareega 8 Dhamaadka Champions League.


Waxa dhamaystir ku dhaw wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan kooxda Real madrid ayaana haatanba sii og 5 kooxood oo ay wajihi karto wareega 8 dhamaadka champions league.

Kooxda Real madrid ayaa ku aadi karta kooxaha Man City, Chelsea, PSG, Borussia Dortmund ama Porto kuwaas oo ah kooxaha ilaa haatan iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka.

Waxa hadhsan kooxaha Bayern Munich oo haatanba hal lug la sii gashay wareega 8 dhamaadka kadib guushii weynayd ee ay lugtii hore ka gaadhay Lazio caawana la ciyaari doonto lugta 2-aad.

Atletico Madrid iyo chelsea ayaa dhankooda wada ciyaari doona caawa iyada oo ay chelsea haysato lugta hore maadama ay lugtii hore 1/0 ku soo badisay uguna cad-cadahay in ay iska xaadiriso wareega xiga.

Kooxaha Man City, PSG, Bayern Munich iyo Atletico Madrid ayaa ah kooxaha kaliya ee xilli ciyaareedkii hore iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions league.


Source: laacibfm.com

SHARE