Maxaad Ka Ogtahay Markii Uu Mohamed Salah Liverpool Ugu Hanjabay In Uu Ka Tagayo Liverpool Hadii Uu Xiddig Yuhuudi Ah Ku Soo Biiro Kooxda?

Maxaad Ka Ogtahay Markii Uu Mohamed Salah Liverpool Ugu Hanjabay In Uu Ka Tagayo Liverpool Hadii Uu Xiddig Yuhuudi Ah Ku Soo Biiro Kooxda?


Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa kooxdiisa Liverpool ugu hanjabay in uu isaga tagi doono kooxda hadii ay kooxdu la soo saxiixato xiddig yuhuudi ah.

Sanadkii 2018 ayay ahayd markii ay kooxda Liverpool xiiso u muujisay saxiixa xiddig u dhashay dalka Israel si ay ugu xoojiso kooxda tababare Jurgen Klopp.

Laakiin wargayska Jerusalem Post ayaa sheegaya in uu Xiddiga reer Masar u sheegay maamulka kooxdiisa in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool hadii ay la soo saxiixdaan xiddiga.

Liverpol ayaa suuqii January ee sanadkii 2018 doonaysay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Red Bull Salzburg ee Mones Dabou Laakiin Salah ayaa si cad u diida xiddiga.

Sidoo kale wargayska The Times of Israel ayaa sheegaya in uu xiddigu u sheegay in uuna doonayn in ay la soo saxiixato xiddiga Mones Dabour hadii ay doonayaan in ay sii joogaan kooxda.

Labada wargays ayaa sheeaya in sababta uu Mohamed Salah u diiday in ay Liverpool la soo saxiixato Mones Dabour Tahay in uu xiddiga reer Masar taageersanyahay qadiyada dalka Falastiin oo ay Xaq daro ku haysataan dalka yuhuuda Israel.

Ugu dambayn kooxda Liverpool ayaa go’aansatay in ay iska dhaafto saxiixa xiddiga maadama ayna doonayn in ay Lumiso xiddiga Mohamed Salah oo ku jiray wakhtigiisii ugu fiicnaa Kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE