Muxuu Donny van de Beek Tababare Ole Gunnar Solskjaer Uga Sheegay Mustaqbalkiisa Xilli Ay Jiraan Warar Sheegaya In Uu Isaga Tagayo Kooxda Xagaaga.

Muxuu Donny van de Beek Tababare Ole Gunnar Solskjaer Uga Sheegay Mustaqbalkiisa Xilli Ay Jiraan Warar Sheegaya In Uu Isaga Tagayo Kooxda Xagaaga.


Tababarihii hore ee xulka qaranka Holland ee Ronald de Boer ayaa sheegay in uu Donny Van de Beek dareensanyahay in laga jecelyahay man United waliba uuna ka niyad jabsanayn ciyaaris la’aantiisa kooxda.

Bilowgii todoaadkan waxa soo baxay warar sheegaya in uu Van de Beek doonayo in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

Tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii hore Van de Beek ayaa kaliya ku bilowday laba kulan oo premeir League ah waliba aan helin fursad uu isku muujiyo.

Laakiin Ronald de Boer oo la wakiil ah Van de Beek ayaa sheegay in uuna xiddiga khadka dhexe ka wal-walsanayn xaaladiisa Man United ee haatan.

Isla Ronald de Boer ayaa sheegay in uu xiddiga Van de Beek tababare Ole Gunnar Soslkaer u sheegay in uu ku faraxsanyahay sida loola dhaqamayo Man United.

“Waxa aan la hadlay Ajax waxa ay ii sheegeen in ayna waxba ka jirin wararka sheegaya in uu ku laaban doono kooxda”ayuu Ronald de Boer u sheegay talkSPORT 2.

“Waxa uu haatan diirada saarayaa in uu ka soo kabsado dhaawac kuraanta ah waxbana kama jiraan wararka sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago Man United”.

“Wakiilkiisa ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay man United waliba uuna ka wal-walsanayn in uuna kooxda si joogto ah ugu ciyaarin”.

“Xitaa tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa uu u sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay kooxdu ula dhaqantay waliba laga jecelyahay kooxda”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE