Ole Gunner Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Ac Milan & Xiddig Muhiim Ah Oo U Soo laabtay.

Ole Gunner Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Ac Milan & Xiddig Muhiim Ah Oo U Soo laabtay.


Tababaraha Man United ee Ole Gunner Solskjaer ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka Europa League.

Kooxda Man United ayaa booqan doonta khamiista kooxda Ac Milan kulan ay isha ku hayaan in ay iska xaadiriyaan wareega 8 dhamaadka tartanka.

Liiska waxa ku jira xiddigaha Paul Pogba, Edinson Cavani, David De Gea & Donny van de Beek kuwaas oo dhaawac uga maqnaa kooxda.

Xiddiga Paul Pogba ayaa ka soo kabsaday dhaawac uu ku seegay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxda Man United halka uu Cavani dhaawac ku seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Dhanka kale David De Gea ayaa ku soo laabtay kooxdiisa kadib markii uu arimo shaqsi ah uga maqnaa tan ilaa 28 bishii la soo dhaafay.

Laakiin waxa dhaawac uga maqan Liiska xiddiga Anthony Martial kaas oo aan ka soo muuqan xiddigaha uu tababaruhu u qaadanayo Italy si ay uga qayb galaan kulanka.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Solskjaer soo xushay:


Goolhayayaasha

: De Gea, Henderson, Grant


Daafacyada

: Lindelof, Maguire, Shaw, Telles, Tuanzebe, Wan-Bissaka, Williams


Khadka dhexe

: Amad, Fernandes, Fred, James, Matic, McTominay, Pogba, Van de Beek


Weeraryahanada

: Cavani, Greenwood, Rashford


Source: laacibfm.com

SHARE