Real Madrid Mise Man United? Kooxda Ay U Badantahay In Uu Cristiano Ronaldo Ku Laabto Oo La Ogaaday.

Real Madrid Mise Man United? Kooxda Ay U Badantahay In Uu Cristiano Ronaldo Ku Laabto Oo La Ogaaday.


Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in ay u badantahay in uu ku laabto Man United marka loo bar-bar dhigo Real Madrid xilli ay kooxda reer Spain diirada saarayso la soo saxiixashada Kylian Mbappe.

Waxa sii xoogaysanaya wararka sheegaya in uu Cirstiano Ronaldo isaga tagi doono kooxda Juventus xagaaga kadib markii ay Juventus ka hadhay champions League.

Ronaldo ayaa dusha laga saaray eed badan kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed liita kooxdiisana ka caawin in ay iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka.

Waxa jiray warar todobaadkan sheegaya in uu Ronaldo doonayo in uu ku laabtao kooxda Real madrid xilli ay Juventus diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 25 milyan.

Laakiin wargayska Tuttosport ayaa sheeaya in ay Man United tahay kooxda ay u badantahay in uu ku laabto marka loo bar-bar dhigo Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid diidrada saari doonto saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe halkii ay la soo saxiixan lahayd xiddiga Cristiano Ronaldo.


Source: laacibfm.com

SHARE