XASAASI: Pierre-Emerick Aubameyang Oo Laga Qaadayo Calaamada Kabtanimada Arsenal & Xiddig Badali Kara Oo La Ogaaday.

XASAASI: Pierre-Emerick Aubameyang Oo Laga Qaadayo Calaamada Kabtanimada Arsenal & Xiddig Badali Kara Oo La Ogaaday.


Xidhiidhka ka dhexeeya xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang iyo waliba tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu meel xun marayo sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Mikel Arteta ayaa kaydka dhigay kabtankiisa kulankii Tottenham waliba saxaafada u mariyay dhaleecayno iyo digniino kadib markii uu xiddigu ka habsaamay shir ay kooxdu lahayd.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta qorshaynayo in uu Pierre-Emerick Aubameyang ka qaadao masuuliyada kabtanimada kadib markii uu isaga tagay xiddigu isaga oo aan qolka labiska galin kadib kulankii Tottenham.

Isla wararka ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta doonayo in uu kabtankiisa 1-aad ka dhigo xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Kieran Tierney hadii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka qaado masuuliyada kabtanimada.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ahaa kabtanka kooxda Arsenal kadib markii uu kala wareegay xiddiga Granit Xhaka kaas oo markii hore ahaa kabtanka 1-aad ee kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE