Arsenal Oo Guuldaro Kala Kulantay 10 Xiddig Oo Kooxda Olympiacos Ah Laakiin Iska Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Europa League.

Arsenal Oo Guuldaro Kala Kulantay 10 Xiddig Oo Kooxda Olympiacos Ah Laakiin Iska Xaadirisay Wareega 8 Dhamaadka Europa League.


Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Olympiacos kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka Europa League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa kulanka soo gashay iyaga oo 3/1 ku soo badiyay lugtii hore waliba si raaxo leh ku bilowday ciyaarta maadama ay hal lug kula jiraan 8 dhamaadka tartanka.

Kooxda Olympiacos ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyarta waliba Arsenal tartanka ka reebaan sidii xilli ciyaareedkii hore.

Arsenal ayaa heshay fursado cajiib ah oo ay ku dhalin kareen goolal laakiin isaga khasaariyay si lama filaan ah xilli ay ku dhibaatoonayeen in ay kubada dhex dhigaan kubada.

Dhanka kale kooxda Olympiacos ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan xilli ay ahaayeen kooxda fiican.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro goolal la’aan ah inkasta oo ay helaan fursado cajiib ah.

Qaybta dambe ayay kooxda Olympiacos Ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolal ay wax kaga badalaan ciyaarta xilli ay Arsenal daafac ku jirtay.

Daqiiqadii 51-aad ayay Olympiacos dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Youssef El-Arabi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Kooxdiisu ku hogaaminaysay.

Kooxda Olympiacos ayaa u dadaashay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale xilli ay Arsenal dhankeeda heshay fursado waali ah oo ay ku dhalin kartay goolal.

Daqiiqadii 82-aad ayaa kaadhka cas loo taagay xiddiga kooxda Olympiacos ee Oussenyou Ba kaas oo ciyaarta looga saaray kadib laba kaadh oo uu qaatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Olympiacos  gaadhay guul 1/0 ah laakiin ay kooxda Arsenal iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Europa League.


Source: laacibfm.com

SHARE