Kooxaha Ay Liverpool Ku Aadi karto Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Kooxaha Ay Liverpool Ku Aadi karto Wareega 8 Dhamaadka Champions League.


Waxa si Rasmi ah loo dhamaystiray wareega 16-ka champions league waxana la xaqiijiyay 8-da kooxood ee iska xaadirisay wareega Xiga ee tartanka ugu tunka weyn yurub.

Kooxda Liverpool ayaa haatanba ogaatay kooxaha ay ku aadi doonto wareega 8 Dhamaadka champions League kadib markii ay booskooda xaqiiqsatay.

Inkasta oo ay dhibaatoonayso horyaalka premier League hadana Liverpool ayaa si xarago leh isaga xaadirisay wareega 8 Dhamaadka champions league xilli ciyaareedka.

Laakiin Liverpool ayaa haatan sugaysa in ay ku aado kooxo adag oo champions League ah marka la samayn doonon isku aadka wareega 8 Dhamaaadka champions League.

Wareegan ma jiraan kala ilaalinta kooxaha isku dalka ah sidaas darteed Liveroool ayaa ku aadi karta dhamaan 7-da kooxood ee ku jira tartanka champions league.

Sidaas darteed Liverpool ayaa ku aadi karta kooxaha chelsea, Man City, Real Madrid, Fc Port, Borussia Dortmund, PSG ama Bayern munich wareega 8 dhamaadka.


Hadii aad tahay taageerahaa Liverpool kooxdee jeceshahay in aad ku aado Fikirkaaga waa muhiim?.


Source: laacibfm.com

SHARE