Kooxaha reer Italy Oo Taariikh Xun Ka Dhigay Champions League Kadib Markii Laga Wada Reebay Tartanka.

Kooxaha reer Italy Oo Taariikh Xun Ka Dhigay Champions League Kadib Markii Laga Wada Reebay Tartanka.


Kaliya markii 6-aad ee taariikhda champions League iyo markii ugu horaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2015/2016 kooxaha reer Italy ayaan iska xaadirin wareega 8 dhamaadka champions Leaue.

Juventus ayaa lagu reebay wareega 16-ka kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Fc porto halka ay Atalanta kaga hadhay tartanka lugaha kooxaha Real Madrid halka Lazio ay ka hadhay tartanka kadib guuldaro ay kala kulmeen Bayern Munich.

Inter Milan ayaa dhankeeda wareega Group-yada kaga hadhay tartanka champions league waxana ay tartanka ka hadhay ka hor inta ayna gaadhin wareega 16-ka.

Markan ayaa ah markii ugu horaysay tan ilaa 2015/2016 ee ayna wareega 8 dhamaadka tartanka champions League ku jirin kooxo reer Italy ah.

Sidoo kale waa markii 6-daad ee ay taariikhda tartanka ku fashilmaan kooxaha reer Italy in ay iska xaadiriyaan wareeg a8 dhamaadka kadib 2000-01, 2001-02, 2008-09, 2013-14 & 2015-16.


Source: laacibfm.com

SHARE