Pierre-Emerick Aubameyang Oo Afka Furtay Kana Hadlay Edbintii Lagu Sameeyay

Pierre-Emerick Aubameyang Oo Afka Furtay Kana Hadlay Edbintii Lagu Sameeyay


Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in xaaladii kala dhexexaysay Mikel Arteta la xaliyay ka hor kulanka Arsenal ee Europa League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Olympiacos.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kaydka ku dhamaystay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Tottenham Premier League kadib markii uu ka habsaamay shirk ay kooxdu lahayd ka hor kulanka.

Arintaas ayaa keentay in uu Mikel Arteta kaydka dhigo Pierre-Emerick Aubameyang waliba diido in badal ku soo galyo qaybta dambe ee ciyaarta.

Mikel Arteta ayaa Arbacadii sheegay in ay isaga iyo Pierre-Emerick Aubameyang Ka wada hadleen xaalada ka hor kulanka Europa League.

Weeraryahanka ayaana haatan xaqiijiyay in uu diyaar u yahay in uu horay uga socdo waliba la xaliyay xaalada”.

“Arinta waxa aan kala hadlay waxana aan gaadhnay xal haatan waxa aan horay uga soconaynaa xaalada”ayuu Pierre-Emerick Aubameyang yidhi ka hor kulanka Olympiacos.

“Haatan waxa aan diirada saarayaa kulanka xiga waana kulan weyn, aad ayaan u dagaalanay khamiistii hore haatan waxa aan joognaa wakhti aan dhamaystiri doono shaqada”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE