Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United & Ac Milan Isaga Hor Yimaadaan Kulanka Adag Ee Caawa.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Man United & Ac Milan Isaga Hor Yimaadaan Kulanka Adag Ee Caawa.


Kooxaha Ac Milan iyo Man United ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan lugta 2-aad ee wareea 16-ka Europa League kulan ka dhici doona San Siro.

Labada Kooxood ayaa dib u helay xiddigo dhaawacyo uga maqnaa kuwaas oo ka qab qaadan kara kulanka caawa ee muhiimka u ah labada kooxoodba.

Xiddigaha Ante Rebic, Rafael Leao & Zlatan Ibrahimovic kuwaas oo uu shaki ku jiray taam ahaanshohooda ayaa taam u ah kooxda Ac Milan kulanka.

Dhanka kale Paul Pogba Rashford iyo Donny Van de Beek ayaa taam u noqday shaxda Man United kadib markii uu shaki soo food saaray taam ahaanshohooda.

Labada tababare ayaa soo xulan doona shax adag maadama aan wali kulanka la go’aamin koox walbana soo bixi karto hadii ay hesho natiijada ay doonayso.


Shaxda Laga yaabo in ay labada tababare ku soo galaan kulanka:


Ac Milan:

Donnarumma; Dalot, Kjaer, Tomori, Hernandez; Meite, Kessie; Saelemaekers, Calhanoglu, Krunic; Rebic


Manchester United:

De Gea; Wan Bissaka, Lindelöf, Maguire, Shaw; McTominay, Fred; James, Bruno Fernandes, Greenwood; Rashford


Source: laacibfm.com

SHARE