Tartanka Gool Dhalinta Champions League Oo Meel Xiiso Leh Maraysa & Haaland Xadhiga Goostay.

Tartanka Gool Dhalinta Champions League Oo Meel Xiiso Leh Maraysa & Haaland Xadhiga Goostay.


Waxa la soo afjaray wareega 16-ka ee tartanka champions League xilli ciyareedkan iyada o ay 8 kooxood iska xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Marka laga yimaado kulamada iyo kooxaha waxa meel xiiso leh maraysa tartanka gool dhalinta champions league kaas oo uu xiddiga Erling Haaland sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta.

Erling Haaland oo wacdaro dhigaya tartanka champions League xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyay 10 gool ilaa haatan kulamada 6-da kulan ah ee uu ciyaaray.

Xiddigaha ugu dhaw Erling Haaland ayaa leh 6 gool iyaag oo 4 gool ka dambeeya xiddiga da’yarka ah iyada oo ay min 6 gool leeyihiin xiddigaha Kylian Mbappé, Álvaro Morata, Olivier Giroud, Neymar, Youssef En-Nesyri Iyo Marcus Rashford.

Xiddigihii looga bartay gool dhalinta champions League ee Robert Lewandowski iyo Lionel Messi ayaa kaliya 5 gool dhaliyay hlka uu Cristano Ronaldo  dhaliyay kaliya 4 gool.


Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha ugu goolasha Badan champions league ilaa haatan:

No. Xiddiga Kooxda Da’da Xulka Goolasha
1.
Erling Braut Haaland
Borussia Dortmund 20 Norway
10
2.
Álvaro Morata
Juventus 28 Spain
6
3.
Kylian Mbappe
Paris Saint-Germain 22 France
6
4.
Marcus Rashford
Manchester United 23 England
6
5.
Neymar
Paris Saint-Germain 29 Brazil
6
6.
Olivier Giroud
Chelsea 34 France
6
7.
Youssef En-Nesyri
Sevilla 23 Morocco
6
8.
Alassane Plea
Borussia Mönchengladbach 28 France
5
9.
Ciro Immobile
Lazio 31 Italy
5
10.
Karim Benzema
Real Madrid 33 France
5
11.
Lionel Messi
Barcelona 33 Argentina
5
12.
Mohamed Salah
Liverpool 28 Egypt
5
13.
Robert Lewandowski
Bayern München 32 Poland
5
14.
Sérgio Oliveira
Porto 28 Portugal
5


Source: laacibfm.com

SHARE