UEFA Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Todobaadka Champions League

UEFA Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Todobaadka Champions League


Waxa salaasadii iyo Arbacadii la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay ee wareega 16-ka champions League iyada oo la ciyaaray 4 kulan oo kala duwan.

Kooxda Real Madrid ayaa garaacday kooxda Atalanta halka ay Man City gaaracday kooxda Borussia Monchengladbach kulan ay Man City iyo Real Madrid iska xaadiriyeen wareega xiga.

Arbacadii waxa la ciyaaray laba kulan iyada oo Chelsea garaacday kooxda Atletico Madrid halka ay kooxda Bayern Munich u awood sheegatay kooxda Lazio.

Kadib kulamadaas UEFA ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicnayd ee todobaadka champions League iyada oo soo xulatay xiddigigii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda chelsea ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo 4 xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka champions League.

Kooxda Man City ayaa dhankeeda shaxda ku leh 3 xiddig halka ay kooxda Real Madrid dhankeeda ku leedahay shaxda 2 xiddig.

Kooxaha Atalanta & Bayern Munich ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh shaxda ugu fician todobaada champions League.


Source: laacibfm.com

SHARE