Wakiilka Achraf Hakimi Oo Ka Jawaabay Waararka Xiddiga La Xidhiidhinaya Arsenal.

Wakiilka Achraf Hakimi Oo Ka Jawaabay Waararka Xiddiga La Xidhiidhinaya Arsenal.


Wakiilka xiddiga Achraf Hakimi ayaa sheegay in xiddiga uu wakiilka u yahay ku faraxsanyahay kooxda Inter Milan xilli uu xiiso ka helayo kooxda Arsenal.

Xilli la rumaysanyahay in uu Hector Bellerin isaga tagayo Arsenal xagaaa Gunners ayaa doonaysa saxiixa daafaca Midig oo cusub xagaaga soo socda.

Xiddiga Achraf Hakimi ayaa lagu qiimeeyaa 40 milyan oo euro waxana dhawaan lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal laakiin wakiilka xiddiga 22 jirka ah ayaa biyo qabaw ku shubay wararkaas.

“Achraf Hakimi Waxa uu ku faraxsanyahay Inter Milan iyo in uu ka hoos ciyaaro Antonio Conte oo ah tababare khibrad fiican leh waliba waxa ku soo baxaya qaab ciyaareedka Conte”ayuu wakiilka xiddiga ee Alejandro Camano u sheegay Radio Kiss Kiss.

Xiddiga Reer Morocco ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay hogaanka horyaalka Serie A-da hayso.


Source: laacibfm.com

SHARE