WARBIXIN: Saddex Koox Oo Ay Real Madrid Doonayso In Ay Ka Fogaato Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

WARBIXIN: Saddex Koox Oo Ay Real Madrid Doonayso In Ay Ka Fogaato Wareega 8 Dhamaadka Champions League.


Waxa haatan la ogaaday 8-da kooxood ee isugu soo hadhay wareega 8 dhamaadka champions League kooxda Real Madrid ayaana ah kooxda kaliya ee matalaysa Spain waxana ay wareega xiga kula biireen kooxaha Porto, Borussia Dortmund, Paris Saint-Germain, Liverpool, Manchester City, Bayern Munich & Chelsea.

Waxa jira 3 kooxood oo ka socda England, 2 kooxood oo ka socda Germany, hal koox oo Spain ah halka ay France iyo Portugal min hal koox ka socoto.

Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday 3 kooxood oo ay kooxda Real Madrid doonayso in ay ka fogaato in ay ku aado wareega 8 dhamaadka champions league.

Isku aadka ayaa la samayn doona 2 duhurnimo wakhtiga Somaliya maalinta jimcaha ah ee bari iyada oo koox walba ogaan doonto kooxda ay ku aadi doonto wareea xiga.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay ka fogaato in ay wareegan ku aado kooxaha Manchester City, Bayern Munich & PSG kuwaas oo haatan ah kuwa ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka.

Kooxda Man City ayaa 4/0 kaga badisay kooxda Borussia Monchengladbach natiijadii labadii kulan ee ay wada ciyaareen wareega 16-ka.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhankooda 6/2 ku reebay kooxda Lazio kadib labadii lugood ee kulanka kaas oo ay 4/1 dhaliyeen lugta hore ka hor inta ayna 2/1 dhalin lugta 2-aad.

Kooxda PSG ayaa dhankooda reebtay kooxda Barcelona kadib guul 5/2 ah oo labada lugood ah kadib markii ay Camp Nou 4/1 kaga badisay lugtii 2-aadna ba-bar-baro 1/1 ah gashay.


Source: laacibfm.com

SHARE