Arsenal Iyo United Oo Ku Loolamaya Saxiixa Xiddig Cajiib Ah , La Ligaha Ayay Ka Ishaarteen

Arsenal Iyo United Oo Ku Loolamaya Saxiixa Xiddig Cajiib Ah , La Ligaha Ayay Ka Ishaarteen


Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in loolan adag ay u galaan saxiixa Jules Kounde ka dib markii kooxdiisa Sevilla ay u hoos u dhigeen qiimaha ay ku doonayeen in ay ku iibiyaan

Laaicbkaas 22 sano jirka ah ayay haatan Sevilla sheegtay in ay dhageysaneyso dalabyada gaaraya 50 milyan oo euro waana midda keeneysa in koox kala duwan damaaciyaan  saxiixa daafcaan dhexe .

United ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa laacibkaan waxa ayna doonayaan in ay ku lamaaninayaan Harry Maguire marka suuqa xagaaga uu dhawaan furmo .

Wargyska The Exoress ayaa haatan qoraya in Arsenal ay toos ula xariireen kooxda reer Spain iyaga  kula jiray wada xaajood ay ku doonayaan in laacibkaas ay ku helaan

Sevilla waxa ay horay laacibkaas ugu dooneysay 70 milyan oo euro waan midd in kooxda Arsenal dib u gurtaan  balse haatan laacibkaas hore ee Bordeaux suuqa ayuu magaciisa mar kale yaalaa .

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya ain Real iyo Man City iyana isha ku  hayaan saxiixa laacibkaas  balse Arsenal ayaa ila haatan kooxda qaaday talaabo lagu soo  xero gilinayo .


Source: laacibfm.com

SHARE