Kooxaha Ay Man United & Arsenal Ku Aadi Karaan Wareega 8 Dhamaadka Europa League.

Kooxaha Ay Man United & Arsenal Ku Aadi Karaan Wareega 8 Dhamaadka Europa League.


Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa ah labada kooxood ee reer England ah ee ku hadhay wareega 8 dhamaadka Europa league iyaga oo saacado yar kadib ogaan doona kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega 8 Dhamaadka tartanka Europa League.

Kooxda Man United ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Ac Milan marka la isku daro natiijada labadii lugood ee kulanka iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay wareega 8 Dhamaadka.

Dhanka kale Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Olympiacos laakiin isaga xaadirisay wareega xiga natiij 3/2 ah maadama ay kulankii hore badisay.

Isku aadka la samayn doono maanta ma jiraan xeer kala ilaalinaya kooxaha isku adka ah sidaas darteed Man United iyo Arsenal way iska hor iman karaan.

Sidoo kale waxa ay wajihi karaan 6 kooxood oo ka mid ah kooxaha kale ee tartanka Europa League ku soo hadhay iskana xaadiriyay wareega 8 dhamaadka.

Man United ayaa ku aadi karta kooxaha Arsenal, Dinamo Zagreb, Granada, Roma, Slavia Prague, Villarreal, Ajax

Arsenal ayaa dhankeeda ku aadki karta kooxaha Man United, Dinamo Zagreb, Granada, Roma, Slavia Prague, Villarreal, Ajax marka maanta la samaynayo isku aadka.


Source: laacibfm.com

SHARE