Kooxda Premier League Ah Ee Ugu Cad-Cad In Ay Ku Guulaysato Champions League kadib Isku Aadkii 8 Dhamaadka Oo La Ogaaday.

Kooxda Premier League Ah Ee Ugu Cad-Cad In Ay Ku Guulaysato Champions League kadib Isku Aadkii 8 Dhamaadka Oo La Ogaaday.


Kooxda chelsea ayaa noqotay kooxda ugu cad-cad ee ku guulaysiga Champions League xilli ciyaareedkan kadib markii la sameeyay isku aadka wareega 8 dhamaadka champions League.

Blues ayaan wax guuldaro ah la kulmin tan ilaa markii uu Thomas tuchel noqday tababaraha kooxda waxana ay ku aadeen kooxda Fc Porto wareega 8 dhamaadka.

Hadii ay badiyaan waxa ay midkood la ciyaari doonaan Real Madrid ama Liveprool midkooda badiya kulankaas 8 dhamaadka Europa League ah.

Shabakada saadaalinaha ee Betfair ayaa haatanba kooxda Chelsea u saadaalisay in ay tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions league xilli ciyaareedkan kadib isku aadkii la sameeyay.

Betfair ayaa saadaalisay in ay chelsea 4/1 ugu cad-cadahay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan kadib isku aadkii 8 dhamaadka.


Source: laacibfm.com

SHARE