Marcelo Oo Dabka Ku Sii Shiday Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Ku Laabashada Real Madrid.

Marcelo Oo Dabka Ku Sii Shiday Wararka Cristiano Ronaldo La Xidhiidhinaya Ku Laabashada Real Madrid.


Xiddiga daafaca bidix uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa dabka ku sii shiday wararka Cristiano Ronaldo la xidhiidhinaya ku laabashada kooxda Real Madrid.

Ka hadhistii Juventus ee Champions League ayaa shaki weyn galisay mustaqbalka xiddia ee kooxda Juventus xilli ay soo bexeen warar sheegaya in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda.

Real Madrid ayaa dhanka goolasha ku dhibaatootay tan ilaa markii uu Cristiano ka tagay sanadkii 2018 iyaga oo ilaa haatan u dhibaatoonaya goolashii uu u dhalin jiray.

Laakiin Marcelo ayaa u muuqda mid si maldahan u sheegay in uu Cristiano Ronaldo ku soo wajahan yahay kooxda Real Madrid.

Marcelo ayaa bogiisa Instagram-ka soo dhigay muuqaal uu la dabaal dagayo Cristaino Ronaldo siina raaciyay ‘Xidhiidhka Marcelo iyo Cristiano”.

Marcelo oo taageerayaashiisa ama dadka ku xidhan bogiisa u jawaabay ayaa sii raaciyay”Wakhti dhaw”.


Source: laacibfm.com

SHARE