Ole Gunner Oo Si Dadban Uga Hadlay Mustaqbalka Pogba Ee Old Trafford

Ole Gunner Oo Si Dadban Uga Hadlay Mustaqbalka Pogba Ee Old Trafford


Macalinka Man United ee Ole Gunner  ayaa si maldahan uga hadlay mustaqbalka Pogba ee qalcadda Old Tarfford kaasi oo warar suuqeed kala duwan ay hareeyeen ‘

Macalinka waxa uu qiray in wadahadallo isaga iyo Pogba dhaxeeyaan inkastoo uusan bixin faah faahin dheeraad oo la xariirta  arinta dhagta loo taagayo.

Hishiiska Pogba  ee United ayaa dhacaya xagaaga 2022-ka waxaana laacibkaas hore lala xariirinayaa in midkood uu aadi doono  Real Madrid ama kooxdiisa hore ee Juventus .

Ole Gunner ayaa yiri ” Haku qasaarina  awooddiina  xan iyo wax aan jirrin”

Pogba ayaa xalay United u gudbiyay  wareegga 8-da Europa League ka dib gool uu dhaliyay xilligaas oo uu badal ku soo galay

” Waxaan filayaa in dhamanan kooxda iyo Pogba ay kaliya diiradda saarayaan sidii  United xilli ciyaareedkaan ugu soo muuqan laheyd hanaan wacan” ayuu sii raaciyay macalin Ole Gunner


Source: laacibfm.com

SHARE