Roberto Carlos: Mohamed Salah Uu Ka Baxsan Doonaa Sergio Ramos Kulanka Champions League.

Roberto Carlos: Mohamed Salah Uu Ka Baxsan Doonaa Sergio Ramos Kulanka Champions League.


Kooxda Real Madrid ayaa lagu aaday liverpool champions League waxana is arki doona xiddigaha Sergio Ramos iyo Mohamed Salah kuwaas oo is arkay final-kii sanadkii 2018.

Roberto Carlos oo ah Halyeey Real Madrid ah ayaana ku kaftamay in uuna xiddiga Mohamed Salah u soo dhawaan doonin xiddiga reer Spain ee Sergio Ramos.

Qaybtii hore ee Final-kii 2018 labada xiddig ayaa isku dhacay waxana ay arintaas sababtay in uu Mohamed Salah ka dhaawacmo garabka waliba badal lagu sameeyay qaybtii hore.

Taageerayaasha Liverpool ayaa tan ilaa dhacdadaas cadawga 1-aad ka dhigtay Sergio Ramos iyaga oo si weyn baraha bulshada ugu weeraray.

“Salah xitaa uma dhawaan doono Sergio”ayuu Carlos ku kaftamay isaga oo ka hadlaya isku aadka labada kooxood”.

“Waxay noqon doontaa dhacdo si weyn looga hadlo inta la gaadhayo kulanka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE