Shaki Ka Jira Qabashada Kulanka Real Iyo Liverpool Ee Champion-ka Ee Spain

Shaki Ka Jira Qabashada Kulanka Real Iyo Liverpool Ee Champion-ka Ee Spain


Waxaa jira  shaki ah in kulanka Real iyo Liverpool ee wareegga 8-da Champion-ka aan lagu qaban magaalada Madrid

Lugta koowaad ee wareegga 8-da ayaa lagu wadaa in la qabto midkood  5 ama 6 bisha laguna ciyaaro garoonka Alfredo Di Stéfano halka lugta labaad la qabanayo Anfield .

Balse waxaa adag in Liverpool tagaan Madrid marka la eego xayiraadda Spain ee ku  aadan dadka ka imaanaya Ingiriiska sababo la xariira faafitaanka xanuunka karoona .

Sidaas oo ay tahay , xayiraadda Spain ayaa la filayaa in la qaado dhamaadka 30-ka March halka warar kale ay sheegyaan in muddo kale lagu sii darayo hadi xanuunkaan uu sii jiro.

Waxaa la filaaya in uuruka kubadda cagat spain war ka soo saaraan go`aaka kama dambeysta ah halka lugta koowaad lagu ciyaarayo


Source: laacibfm.com

SHARE