WARBIXIN: Falanqayn Kooban Oo Ku Saabsan Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Champions League Ee La Sameeyay.

WARBIXIN: Falanqayn Kooban Oo Ku Saabsan Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Champions League Ee La Sameeyay.


Waxa la soo saaray isku aadka wareega 8 dhamaadka champions league iyada oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso leh oo si weyn loo sugayo marka la gaadho ciyaarista kulamada.

Kooxda Liverpool ayaa ku aaday Real Madrid iyada oo dib oo daawan doono ku celiskii Final-kii 2018 ee tartanka champions league.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa ku aadi doonta kooxda Bayern Munich waxana aan arki doonaa ku celiska Final-kii champions leaue ee xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Chelsea ayaa dhankeeda ku aaday kooxda Fc Porto halka ay kooxda Man City ku aaday kooxda wacdaraha dhigaysa champions Leaguee e Borussia Dortmund.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen falanqayn cajiib ah kadib isku aadka kulamada champions League ayaa falanqayn ku samayn doonta kulamada 8 dhamaadka champions League.


1.Man City Vs Borussia Dortmund:

Kooxda Man City ayaa mar kale heshay isku aad fudud marka dhinac loo eego sidii aan uga baranay sanadihii ugu dambeeyay, laakiin Man City ayaa awood xoogan leh xilli ciyaareedkan waana kooxda ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega xiga.

Waxa uuna shaki ku jirin in ay kooxda Pep Guardiola ugu cad-cadahay in ay iska xaadiriso wareega xiga laakiin ha dhayalsan kooxda Borussia Dortmund.

Dortmund ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jirtay xilli ciyaareedkan tartanka champions League waliba leh difaac fiican iyo waliba weerar cabsi leh.

Waxa xusid mudan in ay Man City rikoodh xun ku leedahay wareegan sanadihii ugu dambeeyay sidaas darteed waxa uu Pep Guardiola kulanka u soo gali doonaa in uu iska xaadiriyo wareega xiga.

Sidaas darteed waxa ay kooxda Pep Guardioa ugu cad-cadahay in ay iska xaadiriso wareega xiga marka loo eego qaab ciyaareedka ay ku jiraan xilli ciyaareedkan.


2.Fc Porto Vs Chelsea:

Dadka qaar ayaa aaminsan in uu kulankan yahay mid iksu dheeli tiran marka loo eeo in ay Fc Porto tartanka ka reebtay kooxda Juventus waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Dhanka kale chelsea ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican oo dhan walba ah laakiin xaqiiqada ayaa ah in uu farqi weyn u dhexeeyo labada kooxood waliba ay lama filaan ama la yaab noqon doonto hadii ay kooxda Fc Porto reebto Chelsea.

Chelsea ayaa ka rikoodh fiican kooxda reer Portugal waxana intaas sii dheer in tababare Thomas Tuchel uu kooxda chelsea ka dhigay kuwo ada dhanka daafaca waliba ay adagtahay in gool laga dhaluo.

Arinta kaliya ee chelsea wal-wal ku haya ayaa ah luminta fursadaha badan ee kulamada marka loo eego in ay kooxdu iska khasaarisay fursado badan kulamadii ugu dambeeyay.

Isku soo wada duuboo waxa in ay wareega xiga iska xaadiriso ugu cad-cad kooxda chelsea hadii ay ka faa’iidaysato fursadaha ay hesho kulanka.


4.Bayern Munich Vs PSG:

Waa mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan ee wareegan waxana ay labada kooxood haystaan xiddigo tayo leh kooxda Bayern Munich ayaana ah kooxda ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega xiga marka loo eego awooda iyo qaab ciyaareedka kooxda.

Kooxda PSG ayaa si weyn ugu dhibaatoonaysa dhanka daafaca waana mid ay kooxda Bayern Munich ka faa’iidaysan karto marka loo eego Barcelona oo ka faa’iidaysan wayday arintaas.

Kooxda PSG ayaa dhanka kale u socota aar gudasho kadib markii ay Bayern Munich ka qaaday Final-ka xilli ciyaareedkii hore tartanka champions League.

Laakiin kooxda Bayern Munich ayaa ah kooxda ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega xiga kadib qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jirto kooxdu.


5.Real Madrid Vs Liverpool:

Kulankan ayaa shaki la’aan ah in uu kulankan yahay mid aan aad u wada sugayno marka loo bar-bar dhigo kulamada kale ee wareega 8 dhamadka champions League

Sababta ayaa ah in ay labada kooxood dhexdooda ku guulaysteen 19 koob oo champions League ah kana mid yihiin kooxaha ugu guulaysiga badan koobka.

Kooxda Liverpool ayaa aad ugu dhibaatoonaysa horyaalka premeir league xilli ciyaareedkan laakiin waa koox kale marka ay ciyaarayaan champions league Waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed tartanka ah.

Dhanka kale kooxda Real Madrid u soo bixistooda wareega xiga waxa ay ku xidhantahay sida ay u ciyaaraan kulanka Liverpool marka ciyaarta la bilaabo.

Hadii ay kooxda Zidane u ciyaarto sidii kulankii Atalanta waxa shaki la’aan ah in ay iska xaadirin doonto wareega xiga waliba dhaafi doonto kooxda Klopp.

Marka xaqiiqada laga hadlo kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cad-cad in ay iska xaadiriso wareega xiga sabab la xidhiidha dhaawacyada dhanka daafaca ah ee ku habsaday kooxda Liverpool.

Waxa intaas sii dheer in ay jirto sabab kale oo ay Real Madrid ugu cad-cadahay waana badalka Zidane ee shaxdiisa iyada oo uu Zidane badalo shaxdiisa marka uu wax ka fahmi waayo halka uu Klopp kaliya yaqaano hal shax oo kaliya xitaa hadii kooxdiisa 20 kulan oo xidhiidh ah laga badiyo.


Source: laacibfm.com

SHARE