Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Cusub.

Cristiano Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Cusub.


Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa xlli ciyaareedkii 2019/202 ee la soo dhaafay.

Xiddiga reer Portugal ayaa Juventus ka caawiyay in a ku guulaysato horyaalka Serie A-da markii 9-aad oo xidhiidh a inkasta oo xanuunka Korona kala joojiyay horyaalka.

Xiddiga Ronaldo ayaa sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta goolkii ugu quruxda badnaa Horyaalka isaga oo ugu guulaystay gool uu ka dhaliyay kooxda Sampdoria.

Sidoo kale Cristiano ayaa hogaaminayay shaxda ugu fiican horyaalka kadib markii uu soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii hore.

Cristiano Ronaldo oo ka hadlaya xaflada ayaa yidhi”Waxa aan soo marnay sanad la yaab leh, mana jiro qof ku noolaa lahaa laakiin shaqsi ahaan waxa ay ii ahayd mid fiican waxana aan ku guulaystay horyaalka”.

“Waxa aan ku ciyaaraa garoon madhan laakiin u jeedkeenu waxa uu ahaa ku guulaysiga horyaalka waanan samaynay”ayuu sii raaciyay.

“Nasiib xumo waxa aan ka hadhnay champions league laakiin waa sida ay Kubada cagtu taay waana in aan madaxeena kor u qaadno”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE