Dib U Eegid: Karim Benzema Oo Rikoodh Cajiib Ah Kaga Fiican Dhamaan Xiddigaha Kale ee La Liga, Ilaa Messi Ayaan Gaadhin.

Dib U Eegid: Karim Benzema Oo Rikoodh Cajiib Ah Kaga Fiican Dhamaan Xiddigaha Kale ee La Liga, Ilaa Messi Ayaan Gaadhin.

Xiddiga Karim Benzema ayaa guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga Kana dhacay garoonka kooxda Celta Vigo.

2 gool uu Karim Benzema dhaliyay iyo gool Asensio ah ayaa Los Blancos ku hogaamiyay guul muhiim ah ka hor fasaxa xulalka.

Kadib labada gool ee uu dhaliyay Karim Benzema ayaa ku lug lahaa 13 gool oo horyaalka La Liga ah marka ay kooxdiisu ku ciyaarayso meel ka baxsan garoonkeeda.

Karim ayaa dhaliyay 8 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale horyaalka La Liga kulamada martida ee kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Karim Benzema ayaa ah xiddiga ugu badan ee goolasha ugu badan ku lug leh kulamada martida horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE