Dib U Eegid: Man City Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay FA Cup-ka Ka Dhigtay 87 Sano Ka Hor.

Dib U Eegid: Man City Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay FA Cup-ka Ka Dhigtay 87 Sano Ka Hor.


Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka FA Cup-ka kadib markii ay guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Everton kulan ka dhacay Goodison Park.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Ilkay Gündogan Iyo Kevin De Bruyne ayaa Man City ka caawiyay in ay iska xaadiriso Semi-finalka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kadib guusha Man City ayaa xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah iska xaadirisay  Semi-final-ka tartanka ugu da’da weyn koobabka ee FA Cup-ka.

Man City ayaa markii ugu horaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 1931/1932 iyo 1933/1934 iska xaadirisay Semi-final-ka FA Cup 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.

Koxoda Pep Guardiola ayaa dhanka kale sii haysata fursad ay xilli ciyaareedkan ugu guulaysan karnaan dhamaan koobabka ay ka qayb galayaan.


Source: laacibfm.com

SHARE