Emile Smith Rowe Oo Kashifay Sababtii Ay Chelsea Isaga Diiday Saxiixiisa

Emile Smith Rowe Oo Kashifay Sababtii Ay Chelsea Isaga Diiday Saxiixiisa


Emile Smith Rowe ayaa is baray premier League xilli ciyaareedkan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyay ku bilowday kulankii ay Arsenal garaacday chelsea laakiin waxa uu u ciyaari lahaa Blues hadii ayna iska diidin markii uu da’yarka ahaa.

Xiddiga Emile Smith Rowe ayaa tababar tijaabo ah la qaatay kooxda chelsea laakiin Blues ayaa iska diiday in ay la saxiixato xiddiga taas oo keentay in ay Arsenal nasiibkeeda ku tijaabiso xiddiga.

Emile Smith Rowe oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ku koray meel u dhaw Crystal Palace laakiin waxa aan ahaa taageere Arsenal ah”.

“Waxa aan tababar tijaabo ah la qaatay laakiin chelsea ayaan ila saxiixan waxana ay ii sheegeen in aanu qaab ciyaareedkaygu ku filnayn in aan ku biiro kooxda laakiin Arsenal ayaa i heshay kadib ila saxiixatay”.

“Waxa ay ogaayeen in aan meel fog ku noolahay waxana ay ii sheegeen in aan u soo dhawaado kooxda waxana aan sameeyay sidaas, Tottenham ayaa sidoo kale xiiso ii muujisay laakiin waan iska diiday”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE