Karim Benzema Oo Real Madrid Ku Hogaamiyay Guul Qaali Ah, Celta Vigo Ayay Garaaceen.

Karim Benzema Oo Real Madrid Ku Hogaamiyay Guul Qaali Ah, Celta Vigo Ayay Garaaceen.


Kooxda Real Madrid ayaa sii wada guulaha xidhiidhka ah ee horyaalka La Liga kadib markii ay garaaceen kooxda Celta Vigo kulan xiiso lahaa.


Qaybta Hore:

Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo maamulayay ciyaarta sidoo kale Celta Vigo ku qasbay in ay daafac galaan bilowgii ciyaarta.

Sidoo kale kooxda Celta Vigo ayaa samaysay khaladaad waali ah oo ay si fiican uga faa’iidaysteen xiddigaha Real Madrid.

Daqiiqadii 20-aad ayay Rea Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddia Karim Benzema kaas oo kooxdiisa hogaanka u dhiibay.

Kadib goolkaas kooxda Real Madrid ayaa heshay fursado halis ah oo ay ku dhalin kartay goolal ay ciyaarta ku disho kuna niyad jabiso kooxda Celta Vigo laakiin kamay faa’iidaysan.

Real Madrid ayaa daqiqiadii 30-aad dhalisay goolka 2-aad kadib markii uu Karim Benzema ka faa’iidaystay khalad ay galeen xiddigaha Celta Vigo isaga oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Celta Vigo ayaa hurdada ka kcday kadib markii 2 gool looga hor maray waxana ay bilowday in ay dhibto xiddigaha Real Madrid iyaga oo ku qaaday weeraro halis galiyay.

Daqiiqadii 40-aad ayay Celta Vigo dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Santi Mina kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid si fudud u dhalisay 2 gool sidoo kale Celta Vigo wakhti dambe hurdada ka kacday.


Qaybta dambe:

Ciyaara ayaa qaybtii dambe ahayd mid isku dheeli tiran iyada oo koox walba dhankeeda samaysay fursado ay ku dhalin kartay goolal ay ciyaarta wax kaga badasho.

Celta Vigo ayaa sii waday samaynta khaladaadka waxana ay laba jeer ka badbaaday khaladaad ay sameeyeen xiddigeheedu oo ay Real Madrid goolal ka dhalin gaadhay.

Daqiiqadii 90+3-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo badal ku soo galay ciyaarta qaybtii dambe.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul muhiim ah oo ay kaalinta 2-aad kala bexeen Barcelona kala saraynta horyaalka La Liga.


Source: laacibfm.com

SHARE