Man United Mise Liverpool? Christian Pulisic Oo Loo Sheegay Kooxda Ay Tahay In Uu Ku Biiro Hadii Uu Ka Tago Chelsea.

Man United Mise Liverpool? Christian Pulisic Oo Loo Sheegay Kooxda Ay Tahay In Uu Ku Biiro Hadii Uu Ka Tago Chelsea.


Goolhayihii hore ee kooxda Liverpool ee Brad Friedel ayaa xiddiga Chelea ee Christian Pulisic u sheegay in uu ku biiro kooxda Liverpool hadii uu isaga tago Chelsea.

Brad Friedel Ayaa xiddiga ay isku dalka yihiin u sheegay in uu u dhaqaaqo Liverpool si uu ula shaqeeyo tababare Jurgen Klopp xilli ciyaareedka dambe.

Brad Friedel ayaa rumaysan in uu Pulisic yahay xiddig ku soo bixi kara qaab ciyaareedka tababare Jurgen Klopp.

“Waxan u malaynayaa in qaab ciyaareedka Liverpool ku soo baxayo Christian shaki la’aan”ayuu yidhi Brad Friedel.

“Waa xiddig orod badan waxana uu ku so bixi karaa qaab ciyaareedka orodka ah ee Liverpool”.

“Klopp ayaa ciyaray qaab ciyaareed orod ah waxana uu si fiican ugu ciyaari karaa qaab ciyaareedkiisa”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE