PSG Oo Dajisay Qorshe Ay Kylian Mbappe Uga Hor Istaagayso In Uu Ku Biiro Real Madrid Ama Liverpool.

PSG Oo Dajisay Qorshe Ay Kylian Mbappe Uga Hor Istaagayso In Uu Ku Biiro Real Madrid Ama Liverpool.


Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso heshiis cusub oo ay xiddiga Kylian Mbappe miiska ugu saarayso sanadkii 25 milyan oo euro si ay kooxda ugu sii hayso.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa kooxda PS kaga soo biiray Monaco sanadkii 2017 waxana uu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda waxana heshiiskiisa kooxda ka hadhay muddo hal sano ah.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha Liverpool iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in ay PSG diyaar u tahay in ay xiddiga miiska u saarto mushahar 25 milyan ah si ay uga hor istaagto in uu ku biiro Liverpool ama Real Madrid.

Kooxda PSG ayaa aaminsan in uu xiddiga Mbappe yahay mustaqbalka kooxda waliba ku qanacsanyihiin in uu dalabkoodu ku qancin doono in uu xiddigu sii joogo kooxda.

Mbappe ayaa kooxda PSG u ah xiddig muhiim ah isaga oo xilli ciyaareedkan u dhaliyay goolal badan oo tartamada oo dhan ah guulna ku hogaamiyay kulamo badan oo muhiim ah.


Source: laacibfm.com

SHARE