Real Madrid Oo 8 Maalin Gudohood La Ciyaari Doonta Liverpool & Barcelona.

Real Madrid Oo 8 Maalin Gudohood La Ciyaari Doonta Liverpool & Barcelona.


Isku aadka wareega 8 dhamaadka champions League ayaa wakhti adag ku tuuray kooxda Real Madrid kuwaas oo muddo 8 maalin gudohood ah la ciyaari doonta Liverpool iyo Barcelona.

6 bisha April ayaa noqon doonta marka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Liverpool ka hor inta ayna Sabtida 10 bisha April la ciyaari doonto kooxda Barcelona.

Kadib lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league ayay Real Madrid booqan doontaa Anfield kuna beegan 14 bisha April.

Xilli ay ku jirto xilli ciyaareed ay dhaawacyo dileen Real Madrid ayaa joogtaysay qaab ciyaareed fiican laakiin kulamada soo socda ayaa go’aamin doona xilli ciyaareedka Los Blancos.


Source: laacibfm.com

SHARE